Tirada dadka uu soo ridanayo cudurka Karoona ee Gaarisa oo korodhay

Waxaa mar kale sare u kacday tirada dadka uu soo ridanayo fayraska Corona ee magaalada Garissa ee gobolka waqooyi bari Kenya, iyadoo xanuunku haatan ku sii fidayo tuulooyinka ku xeeran magaaladaasi.

Sara u kacan ayaa la sheegay inay ugu wacan tahay dhowr arrimood oo ay kamid tahay, dadka oo aan u hoggaansameyntalooyinka ka hortagga cudurka.

Mas’uuliyiinta caafimaadka ee deegaankaasi, ayaa aaminsan in magaaladda ay hadda wajaheyso mowjadda labaad ee fayraska Corona, isla markaana uu noqon karo faraca cusub fayraska oo loo yaqaanno Delta.