Duqa Degmada Gaalkacyo Mudane Abdirahman Sheikh Hassan ayaa Kulan looga hadlayay Xoojinta Amniga Magaalada Gaalkacyo la qaatay Saraakiisha Amniga Heer Gobal iyo Heer Degmo iyo Gudoomiyaasha Shanta Xaafadood Ee Magaalada Gaalkacyo.
Kulanka oo ay ka qeyb galeen Gudomiye ku Xigeenka Degmada Galkacyo Eng: Maxamed Cabdi Cilmi Taliye ku xigeenka Qeybta Booliska Gobalka Mudug iyo Taliyaha Degmada Gaalkacyo Cali Xirsi Sahal ,Gudoomiyaasha Xaafadaha iyo ku Xigeenadooda ayaa Waxa diirada lagu saaray sidii wada shaqayn buuxda ay u dhex mari lahayn Laamaha Amniga iyo Gudoomiyaasha Xaafadaha si gacan bir ah loogu qabto cid kasta oo caqabad ku ah Amniga iyo Horumarka Gaalkacyo.
Duqa Degmada ayaa u sheegay Saraakiisha Amniga iyo Gudoomiyaasha Xaafadaha in waqtigaan oo dalku ku jiro Xaalad doorasho Gaalkacyana ay ka mid tahay goobaha ay doorashooyinku ka dhacayaan in loo baahan yahay xoojinta Amniga iyo u diyaar garowga soo dhaweynta iyo Xaqiijinta Amnigooda cid kasta oo doorashada ka qeyb galeysa.



