Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxa uu galabta hoygiisa kulan kula yeeshay Madaxweynayaashii hore ee dalka Shariif Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud.
Kulanka oo ahaa is xog-wareysi ayaa labada Madaxweynayaal hore kala hadlay xaaladda dalka iyo doorashooyinka ka bilaawday qaar kamid ah dowlad Goboleedyada kajira dalka iyo arrimo kale.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sii wada kulamada gaar gaarka ah ee uu la yeelanayo Musharaxiinta iyo Siyaasiyiinta Soomaaliyeed si ay doorashooyinka ugu qabsoomaan jawi xasiloon.
Hayeeshee kulamadaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli isfaham-waa uu soo kala dhex-galay Madaxweynayaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.



