Ciidamada Ammaanka maamulka Jubbaland ayaa xiray mid ka mid Wariyeyaasha ka howlgalla Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Jubbaland.
Wariyaha la xiray ayaa lagu magacabaa Saabir Cabdiqaadir Nuur, waxaana uu magaalada Kismaayo kaga soo warami jiray Tv-ga lagu magacaabo Somalicable.
Sidda ay xaqiijiyeen Wariyeyaasha Magaalada Kismaayo wariyaha ayaa la xiray , xilli uu duubaayay Barnaamij ku aadan Sanad guuradii kasoo wareegatay markii la doortay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed.
Wariyaha ayaa waxaa xiray ciidamada Nabad suggidda , waxaana uu xalay ku hoyday xabsi ay leeyihiin.
Aabaha dhalay wariyaha ayaa sheegay in ilaa iyo hadda uusan garaneyn sababta loo xiray wiilkiisa.
Xoghayaha ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NOSOJ ayaa ka dalbaday Jubbaland in ay sii deyso wariyaha, waxaana uu sheegay in Jubbaland ay Caddaadis saartay Warbaahinta.