WARBIXIN: Arsenal Oo Lumin doonta Hector Bellerin Haddii Shaqada Laga Ceyriyo Wenger

Daafaca dambeedka midig ee Arsenal Hector Bellerin ayaa lagu soo waramayaa inuu sugayo teefoon kaga yimaada kooxda Barcelona, xili mustaqbalkiisa Gunners shaki kujiro.

Sida laga soo xigtay Mundo Deportivo Aleix Vidal ayaa ka tagi kara Barcelona January iyadoo Blaugrana qorshaha ku darsatay saxiixa Bellerin.

daafaca midig, inkastoo kooxda Isbaanishka dagaal ay kala kulmi doonto Manchester City, hadda isaga ayaa sugaya in looga baaqo kooxda Barcelona.

Warbixintu waxay intaa ku daray in 21-sano jirkaan Bellerin oo kasoo baxay La Masia ka hor inta uusan ku biirin 2011inuu ku fakirayi ku laabashada Camp Nou.

Wenger, oo 66 jir ah, oo 20-sano guuradiisii tababarnimo ee Arsenal u dabaal dagay ayaa lala xiriirinayaa shaqada xulka England marka qandaraaskiisa Gunners dhaco dhamaadka xilli ciyaareedkan, taasoo u sahleysa daafacaan inuu ku biro Barcelona.

Bellerin ayaa ka mid ah ciyaartoydii ugu fiicnaa Arsenal xili ciyaareedkii 2015-16, waxaana uu sii watay qaab ciyaareedkiisa fiican xilli ciyaareedkaan cusub,

Xiddiga caalamiga ah ee dhallinyarada Spain ayaa sheegay in xiriirka ay lasoo sameyneyso Barcelona uu yahay mid wanaagsan bishii May mar uu saxaafada la hadlayay, laakiin Mundo Deportivo (ayaa hadda sheegeysa in daafacaan uu ku dooranayo Barcelona sabab la xiriirta in looga yeero xulka Spain.