Arsenal Transfer News: Santi Cazorla, Juventus Talks Reported in Latest Rumours
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Arsenal Santi Cazorla ayaa lagu soo waramayaa inuu wadahadalo kula jiro kooxda Juventus iyadoo macquul ay tahay inuu u dhaqaaqo kooxda ka dhisan Serie A.
Warkaan xanta ah ayaa soo baxay ka dib markii Gunners ay ka gaabsatay in ay kordhiso qandaraaskiisa oo dhacaya dhamaadka xili ciyaareedkaan.
Sida laga soo xigtay CalcioMercatoWeb Juventus ayaa soo ku dhaawatay Cazorla iyagoo ka dhaadhicinaya in uusan heshiis cusub u saxiixin Arsenal.
Ciyaaryahanka khadka dhaxe ee Arsenal ayaa dhawaan shaaca ka qaaday inuu jeclaan lahaa sii joogista kooxda ka dhisan waqooyiga London, laakiin in aan lasoo bandhigin qandaraas cusub ayaa ku qasbi karaa ka tagista kooxda.
Ninka reer Spain oo 31-sano jir ah ayaa lagu soo waramayaa qayb ka mid ah dib u habeynta khadka dhexe ee Old Lady inuu yahay.
Sidookale Juventus ayaa indhaha ku heysa saxiixa ciyaaryahanka khadka dhaxe ee kooxda Zenit Saint Petersburg Axel Witsel.
Cazorla ayaa ciyaaray mid kasta oo kamid ah todobada kulan ee Arsenal Premier League xilli ciyaareedkan ayaa loo arkaa inuu saxiixi doono heshiis cusub, inkastoo wadahadalada kooxda ka dhisan Torin ay yihiin kuwo xowli kusocda.


