Wararkii ugu dambeeyey ee degmada Aadan-Yabaal

Wararka naga soo gaaraya degmada Aadan-Yabaal ee gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM in ay la wareegeen gacan ku heynta degmadaasi.

Dadka Degmada Aadan Yabaal ku sugan ayaa Warbaahinta u sheegay ciidamada inay Difaacyo ka sameysanayaan gudaha Degmadaasi, islamarkaana ay socdaan Baaritaano dhanka ammaanka ku saabsan.

Ururka Al-shabaab ayaa iska baxay degmada inta aysan soo galin ciidanka dowladda Soomaaliya,waxayna qarxiyeen ceelkii biyaha siin jiray dadka kunool degmada Aadan-yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe.