Webiga Jubba ayaa fatahaad ka geystay deegaano dhowr oo hoostaga degmada Dooloow ee gobolka Gedo.
Webiga ayaa waxyeelo balaaran u geystay dadka beeraleyda ah ku sugan tulooyinka ku dhow degmada,waxana la sheegaya in uu webigu dadkaas barakiciyey.
Maamulka Dooloow Soomaaliya iyo hay’daha gargaarka ayaa booqday tuulada Buulo qalooc oo ka mid ah meelaha waxyeelada balaaran ay dadka kasoo gaartay,waxayna sheegeen loo baahanyahay in dadkaas loo soo gar gaaro.
Gudoomiyaha degmada Doolow Soomaaliya Aadan Bare Cali ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya iyo maamulka jubbland looga baahanyahay in ay soo gargaaraan dadka ku dhibateysan degmadaas.


