Wararkii ugu dambeeyay Shirka Musharixiinta oo Maalintii labaad galay

Mid kamid ah hoteelada ku yaalla Magaalada Muqdisho waxaa Maalintii labaad ka socda Shirka wadatashiga musharixiinta, kaa soo ay uga hadlayaa arrimaha doorashooyinka & Guddiga doorashooyinka oo ay qaadaceen.

Shirka oo shalay furmay ayaa looga hadlay arrimo ay kamid ahaayeen sidii loo heli lahaa guddi dhexdhexaad ah, maadaama guddiga hadda jira lagu eedeeyay in ay yihiin taageerayaasha Madaxweyne Farmaajo iyo taliyaha NISA.

Daahir Maxamuud Geelle Musharax Madaxweyne ayaa sheegay in Musharixiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya inay arkaan khatar ku wajahan dimuqraadiyadda curdanka ah ee Soomaaliya.

Maanta ayaa musharixiinta Madaxweynaha waxaa ay sii amba qaadeen doodooda ku aadan Arrimaha doorashooyinka, sidoo kale ay ka hadli doonaan kulan ay la qaateen musharixiinta qaarkood madaxweynaha Galmudug oo ay u gudbiyeen cabasho ku aadan Guddiyada doorashooyinka oo uu soo Magacaabay.

Maalinta Berito oo Isniin ah ayaa waxaa la filayaa in Shirka musharixiinta madaxweynaha la soo geba-gabeeyo, isla markaana musharixiinta ay War-saxaafadeed soo saaraan.