Inta la xaqiijiyay ilaa laba Ruux ayaa geeriyootay halka Hanti faraadan ay ku baaba’day, kadib markii Shilal gaari ay ka dhaceen Tuulada Shire oo qiyaastii 150KM dhanka bari kaga beegan caasimadda Puntland ee Magaalada Garoowe.
Shilka ayaa yimid, kaddib markii ay isku dhaceen ilaa 5 Gaari oo Saddex kamid ah ay ahaayeen nooca xamuulka qaado iyo mid yar oo kuwa Kalluunka ama malaayga lagu qaado ah.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku warameen in mid kamid ah dadka dhintay uu weli ku hoos jiro mid kamid ah Gaadiidka shilka galay,isla markaana uu socdo dadaalo looga soo saarayo.
Sidoo kale waxaa la sheegay in Shilalka Gaadiidka ay sababeen in hanti farabadan oo gaadiidka saarnaa ay ku baaba’do, kuwaas oo ay lahaayeen dad Ganacsato ah oo ku nool degaannada Puntland.
Ciidamo ka tirsan kuwa Taraafikada ee Puntland iyo Shacabka Tuulada Shire ayaa sameeyay gurmad kala duwan, iyaga oo badbaadiyay qaar kamid ah Hantida saaran gaadiidka Xamuulka ee shilka galay.
Bilihii la soo dhaafay ayaa degaannada Puntland gaar ahaan wadada u dhaxeysa Magaalooyinka Garoowe & Boosaaso waxaa kusoo batay shilalka gaari, waxaana labadii todobaad ee la soo dhaafay ka dhacay in ka badan Afar Shilal Gaari ah.



