Wararkii ugu dambeeyay Qarax ka dhacay Muqdisho

Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya Qarax loo adeegsaday gaari oo lagu qaaday meelo la sheegay in ay ku dhow dahay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Warar kale ayaa sheegaya in Qaraxa lagu qaaday xarun Qaramada Midoobe ay ka dagan tahay  magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Wararka ugu buuran ee soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay meel ku dhaw Albaabka dambe ee Garoonka Aadan Cadde oo ciidamada Amisom ay ka galaan, halkaasi oo loo yaqaan (Madiina Gate).

Lama oga in rag hubaysan ay halkaasi ka dagaalamayaan iyo in rasaasta la maqlay ay ridayaan ciidamada Amisom ee fariisimada halkaasi ku leh.

Wariye ka tirsan Risaala oo goobta tagay ayaa sheegaya in uu arkay ku dhawaad 6 qof oo waxyeelo ka soo gaartay Qarax ka dhacay Muqdisho.