Faah faahin Qaraxyo ka dhacay Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qaraxyo loo adeegsaday Labo Gaari oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qaraxyada ayaa waxa ay ahaayeen labo gaari oo waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay waxa ayna ka yimaadeen dhanka wadada ka timaada Madiina, ee soo marta Isgoyska Danwadaagta  ee degmada Wadajir.

Mid ka mid ah gaadiidkaasi ayaa la sheegay inuu soo dhaafay goobta Koontaroolka u aheyd ciidamada Nabad Suggida, wuxuuna ku qarxay gaarigaasi meel ku dhaw Albaabka ciidamada AMISOM ee Madina Gate, gaar ahaan meel ku dhaw goob ay degan yihiin Hay’ado UN-ka ka tirsan.

Wararka ayaa sheegaya in Qaraxyadaasi ay ka dhasheen khasaaro isku jira dhimasho iyo dhaawac ilaa iyo hadana lama xaqiijin karo tirada rasmiga ah ee waxyeelo soo gaartay.

Baabuurtaan ayaa waxaa kaxeynaayay dad naftood haligayaal ah, kuwaasi oo ku geeriyooday isla qaraxyada Baabuurta.