Marko-RisaalaFM- Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maanta isaga baxay magaalada Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ay gudaha u soo galeen xaafado ka tirsan Marka.
Ilo madax banaan ayaa sidoo kale sheegaya in Ciidamada AMISOM ay wali ku sugan yihiin saldhigooda ay horay u degenaayeen ee duleedka magaalada.
Maamulka gobolka Shabeelaha Hoose ayaanan wali ka hadlin ka bixitaanka ciidanka dowladda Soomaaliya ay isaga baxeen magaalada Marko, sidoo kalena Al-shabaab ay gudaha u soo galeen degmada.
Arintan ayaa ku soo aadeysa xilli xalay saqdii dhexe Dagaalyahano ka tirsan Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ay ciidanka dowladda ku lahaayeen deegaanka Laanta-buuro ee gobolka Shabeelaha Hoose.


