Muqdisho-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya maqribnimadan degmada Waaberi ayaa waxa ay sheegayaan in Diyaarad nuuca Duuliyaha aan laheyn ay ku soo dhacday degmada Waabari ee gobolka Banaadir.
Maxamed Isaaq oo ka mid ah dadka degan degmada Waaberi oo Idaacadda Risaala la hadlay ayaa sheegay in Diyaaradan ay gacanta ku dhigeen maamulka degmada Waaberi.
Maamulka degmada Waaberi iyo Ciidanka amniga oo goobta Diyaarada ay ku soo dhacday gaaray ayaa sheegay in Diyaarada ay tahay nuuca wax basaasta.
Ilaa iyo hada lama oga halka ay ka timid Diyaaradan iyo sidoo kale ujeedada gaarka ah ee laga lahaa.


