Wararkii ugu dambeeyay ee magaalada Dhuusamareeb

Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusa Mareeb ee gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan maamulka Ahlu Suna ay la wareegeen xarunta degmada iyo sidoo kale meelo ka mid ah degmadaasi.

Ciidamada  la wareegay xarunta degmada Dhuusa mareeb ayaa la sheegaya in ay yihiin ciidamo gadoodsan sida ay inoo sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaanka.

Madaxda maamulka la magac baxay gobolada Dhexe ayaa wado dadaal xoogan oo lagu xalinaayo dhibaatooyinka ka taagan magaalada Dhuusamareeb.

Muranka ayaa ka dhashay ka dib markii ciidamo ka tirsan Ahlu Suna ay gaari ka kireeyeen  mid ka mid ah hay’adaha ka howlgala gobolka Galgaduud.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa gacanta ku haya maamulka Ahlu Suna,waxaana mararka qaar ka dhaca dhibaatooyinka kala duwan