DHAGEYSO: Madexweyne Shariif oo Baydhabo ku noqday

Madexweynaha maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo ayaa waxaa si weyn ugu soo dhaweyey madax ka tirsan maamulka Koofur Galbeed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madexweynaha maamulka Koofur Galbeed ayaa maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya,waxuuna ka qeybgalayey shirkii madasha wadatashiga Qaran oo Muqdisho lagu soo gabagabayey.