Wararkii maanta ay wargaysyada caalamka ay ka qoreen cayaaraha

Pep Guardiola ayaa laga ceyrin karaa Bayern Munich ka hor inta Manuel Pellegrini uusan ka tagin Manchester City, iyadoo madaxda Bayern aysan ku faraxsaneyn go’anka uu ku doortya City ,Sidaasi waxaa bahiyay  (Express)

Guardiola ayaa qorsheynaya inuu keeno daafaca bidix ee Austria David Alaba,oo 23 jir ah, Manchester City, Alaba ayaa laba sano ay kaga harsan tahay qandaraaskiisa kooxda Munich.

Waxaa lagu qiimeeyaa xidigan £ 40m, taasoo noqon doonta rikoor adduunka daafaca bidix lagu iibsadao kan ugu badan.Waxaa qoray (Daily Star)

Weeraryahanka kooxda Paris St Germain iyo xulka Uruguay Edinson Cavani, oo 28 jir ah, waxa uu noqon karaa mid ka mid ah saxiixyada ugu horeeya ee Jose Mourinho marka uu noqdo tababaraha Manchester United ,waxaa lagu qiimeeyaa £ 35m.Sida uu baahiyay (Lta Sport Press)

United ayaa ka fiirsaneysa inay ku iibsato £ 70m ,weeraryahanka Borussia Dortmund ee Gabon Pierre-Emerick Aubameyang, oo 26 jir ah.Waxaa daabacday  (Daily Mail)

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Leicester Riyad Mahrez,oo 24 jir ah, ayaa laga yaabaa inuu ku biiro midkood Manchester City ama Dortmund xagaaga soo aadan Waxaa qoray (Le Buteur – in Faransiis).

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester United Marouane Fellaini, oo 28 jir ah, waa ciyaaryahankii ugu danbeeyay ee wakiilo kasocda Chinese Super League ay dalbadaan Sida lagu baahiyay  (Daily Star)

Arsenal ayaa weli kalsooni ku qabta in ciyaaryahanka khadka dhexe ee Mesut Ozil, oo 27jir ah, uu sii joogi doono kooxda ,inkasto uu ka gaabiyay heshiis cusub inuu saxiixo, Sida ay baahisay Maanta (Sunday Telegraph)

Goolhayaha kooxda Barcelona Marc-Andre ter Stegen,oo 23 jir ah, kama fekerayo inuu u dhaqaaqo Liverpool xagaaga soo socdaWaxaa qortay. (Mundo Deportivo – Spanish)

Ciyaaryahanka garabka uga ciyaara Paris St-Germain Lucas Moura, oo 23 jir ah, ayaa sheegay inuu iska diiday inuu ku biiro Manchester United kooxda heysata horyaalka Faransiiska ayaa doneysa inay iska fasaxdo xiddigan. Sida lagu sheegay (Squawka)

Ciyaaryahankii hore ee Tottenham Luka Modric ayaa aaminsan in kooxdiisii hore ay yihiin “kuwo aad ugu dhow” in ay ku guuleysataan horyaalka Premier League. Waxaa qortay (London Evening Standard)

Latser City

ciyaartoyda Leicester aya qadan doona kharashka ugu badan safarka ay ku tagayaan Las Vegas hadii ay ku guuleystaan Premier League.

Dawacooyinku ayaa u safreya Arsenal maanta, halkaas oo ay guul ay ku garaan ay kusii dheereysan doonaa Hogaanka Horyaalka ,iyagoo sideed dhibcood ka sareyn doona Gunners.

Waxaa soo baxay todobaadkii hore in kooxda Claudio Ranieri aysan yeelan doonin wax gunno kaash dheeraad ah haddi ay Horyaalka ku guuleystaan.

Davis

Ben Davis ayaa aaminsan in Tottenham ay heysato labo kamid ah saxiiriinta kubadda cagta  ka hor kulanka caawa ay ku wajahayaan Manchester City.

Tottenham ayaa fadhida booska labaad ee horyaalka Premier League, waxaana shan dhibcood ay ka danbeeyaan kooxda hogaanka lama filaanka ku heysa ee Leicester City,

waxaana ay hadda ku jiraan boos fantastik ah afar kulan oo isku xiga Premier League ayaa badinay ayuu yiri.

Sidookale waxaan heysanaa Harry Kane iyo ciyaaryahanka khadka dhexe ee Dele Alli kuwasoo labaduba ifiyay awooda Tottenham, laakiin daafaca Davies ayaa aaminsan in kooxda ay wali ay u harsan yihiin kulamo adag.

“Waxaan ku guuleysanay wax badan – Harry Kane ama Dele Alli – waxay sameeyeen wixii laga filayay iyo kabadan ayuu hadalkiisa ku daray Ben Davis.