Weeraryahanka Real Madrid James Rodriguez ayaa sheegay in dhamaan asxaabtiisa kooxda Madrid ay ka faa’iideysteen Tabaraha cusub ee Zinedine Zidane kaso badelay Rafael Benitez.
James ayaa dhaliyay goolkii labaad ee Madrid kulankii ay 4-2 kaga badisay La Liga Athletic Bilbao ,wuxuu ka dhaliyay afar gool horyaalka kuwasoo dhamaanba ku yimid afar at Santiago Bernabeu.
Xiddiga reer Colombia ayaa ahaa mid shakhsi xoogaan la galinayay mustaqbalkiisa kooxda ka hor inta uusan Zidane kala wareegin shaqada Benitez,
James ayaa hadda ku riyaaqayaa qaab cajiib ah isagoo kaalin ku leh weerarka oo uu ka maqan yahay Gareth Bale,
Xiddigan 24-sano jir ah ayaa shaaca ka qaaday in kooxda uu ku riyaaqay ninka ku guuleystay Ballon d’Or ee Zidane.
Mar la weydiiyay wax ku saabsan taam ahaanshihiisa, Rodriguez ayaa u sheegay AS:. “Haa, waxaan ahay mid fiican Tani waxay iga caawinaysaa inan wax badan qabto.
“Isbedelka tababarka ayaa qof walba uu ka faa,ideystay,isbadelka tababaraha Waxaan qabaa inay waxwalba hadda yihiin Ok.