Shacabka Jambuuriyadda Bartamaha Afrika ayaa codkooda ka dhiibanaya wareega kama dambeysta ah ee doorashada madaxtinimada dalkaasi iyo weliba doorashada baarlamaanka oo ku celis ah.
Natiijada doorashadii baarlamaanka ee dhacday bishii December ayaa la sheegay in ay ahayd mid waxbadan la isdaba mariyay.
Doorashada maanta ayaa loo arkaa tallaabo loo qaaday sidii nabad iyo xasilooni loogu soo celin lahaa dalkaasi oo ay ka dhaceen rabshada diimaha ku saleysan.
Colaadda dalkaasi ayaa bilaabatay sanadkii 2013-ka markii xukunka laga tuuray madaxweynihii hore, Francois Bozize, afgembigaasi oo ay hormuud ka ahaayeen jabhada Muslimiinta u badan ee Seleka.
Faustin Touadera iyo Anicet Dologuele ayaa ah labada musharrax ee isugu soo haray tartanka madaxtinimada dalkaasi, waxaana labaduba ay horay dalkaasi uga soo noqdeen ra’iisal wasaarayaal.
Kumannaan nabad ilaaliyaal ah oo ka socda Qaramada Midoobay iyo Faransiiska ayaa ku sugan Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika, si ay u sugaan nabadda dalkaasi.