Kooxda Manchester united oo dooneysa in ay lasoo wareegto weeraryahanka Borussia Dortmund ee Aubameyang

Manchester United ayaa ku dhow inay ku iibsato £ 70million weeraryahanka Borussia Dortmund Pierre-Emerick Aubameyang xagaagan soosocda.

Gudoomiye ku xigeenka fulinta ee Manchester United Ed Woodward ayaa shaaca ka qaaday todobaadkan in United heshay dhaqaalo £ 121.6m kuwasoo loo adeegsan doono’saxiixyada xiddiga’ ay dooneyso kooxda.

magacyada xiddigaha lala xiriirinayo United waxaa kaloo kamid ah Robert Lewandowski, Neymar iyo Gareth Bale iyo kuwo kale.

Laakiin Aubameyang 26-sano jir ah ayaa u dhaliyay 27 gool Dortmund xilli ciyaareedkan, waxaana lagu qiimeeyaa sidii mid kamid weeraryahanada ugu fiican addunka.

Manchester United ayaa Dooneysa Inay dalab £ 70m ,kula soo wareegto weeraryahanka Borussia Dortmund Pierre-Emerick Aubameyang.