Gaalkacyo-RisaalaFM- Wararkii ugu dambeeyay ee inaga soo gaaraya Magaalada gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan weli in uu socdo Dagaalkii u dhaxeeyay Ciidamada Puntland iyo Galmudug.
Dagaalka ayaa la sheegay in uu sii xoogeystay oo labada dhinac ay isku adeegsanayaan Hubka nuucyadiisa kala duwan, sida ay Risaala u sheegeen Dad Goobjoogayaal ah.
Dagaalka ayaa la sheegay in uu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, oo soo kala gaaray labada dhinac iyo sidoo kale dad shacab ah.
Wada hadaladii u dhaxeeyay Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa burburay, maadaama Dagaalkooda markale uu ka Qarxay Magaalada Gaalkacyo.
Dhawaan Madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa heshiis kuwada gaaray dalka Isugu taga imaaraadka Carabta Waxaana ka mid ahaa qodobadii lagu heshiiyay in dagaalka la joojiyo.


