DHAGEYSO: Ciidanka maamulka Koonfur Galbeed oo fariin loo diray

Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa Saraakiisha iyo Ciidamada Maamulka Koofur galbeed Soomaaliya ku amray iney dib usoo celiyaan degmooyinkii ay Al-Shabaab dib u qabsadeen.

Waxa uu sheegay in uusan aqbali doonin in Al-Shabaab ay dib u qabsadaan deegaano iyo degmooyin ay horay ugu sugnaayeen Ciidanka Koofur Galbeed.

Waxa uu sheegay in uu sugayo in maalmaha soo socda in Ciidanka Koofur Galbeed Soomaaliya in ay Al-Shabaab ay ka saaraan degmooyinka iyo deegaanada ay iminka ku sugan yihiin.

Deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolada Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa dhawaan waxaa la wareegay Al-Shabaab, waxaana deegaanada qaar isaga baxay Ciidamada Dowladda iyo Kuwa AMISOM.