Qarax ka dhacay Magaalada Kismaayo

Sida ay Risaala u xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Ciidamada Booliska maamulka Jubbaland Qarax ayaa ka dhacay Dhabarka dambe ee Saldhiga Magaalada Kismaayo.

Qaraxa  ayaa loo adeegsaday bam gacmeed , waxaana ka dhasay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Saraakiil la hadlay Risaala waxa ay sheegeen in Qaraxa uu geystay Khasaare u badan dhaawac.