War Deg Deg Ah : Gaari goordhaw ku qarxay Muqdisho

Wararka naga soo gaaraya ka soo horjeedka Hotelka Wehliye ayaa sheegaya in qarax uu ka dhacay halkaas, kasoo loo adeegsaday Gaari

Gaariga ayaa la sheegaya in uu qarxay kaligiis aysana jirin  cid ay waxyeelo soo gaartay sida ay idaacadda Risaala u sheegeen dad goobjoogaal ah.

Warar aan wali la xaqiijin ayaa sheegaya in gaariga uu lahaa Sheekh Yuusuf Cali Caynte oo horay u soo noqday Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya