Faahfaahin Sheekh Yuusuf ceynte oo Qarax ka badbaaday

Guddoomiyaha Hay’ada Majmaca Culimada  Soomaaliyeed Sheekh Yuusuf Cali Ceynte ayaa ka badbaaday Qarax loogu Xiray Gaarigiisa oo yaalay wadada Maka Almukarama ee magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Gaariga ayaa la sheegaya in uu qarxay kaligiis aysana jirin  cid ay waxyeelo soo gaartay sida ay idaacadda Risaala u sheegeen dad goobjoogaal ah.

Sheekh ayaa la sheegaya in uu san gaariga saarneyn xiliga uu qarxaayey sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan boliiska gobolka Banaadir.

Gaariga ayaa la sheegaya in aysan gaari waxyeelo weyn laakiin ay qeyb ka mid ah gubatay si uu soo tabiyay goobjooge goobta joogay.