Wakiilka Hector Bellerin Oo Wadnaha Jaray Barcelona Iyo Manchester City!! Kana Farxiyay Arsenal

Hector Bellerin ayaa ku dhow inuu saxiixo heshiis cusub oo Arsenal uu kula sii joogayo, sida uu shaaca ka qaaday wakiilkiisa.
Daafaca dambeedka midig ee Spain ayaa waxaa xiiso u qabtay kooxda Barcelona oo uu kasoo tagay ka hor inta uusan imaan waqooyiga London sanadkii 2011.
Wakiilka daafacaan oo lagu magcaabo, Albert Botines, ayaa u sheegay The Guardian in Bellerin wali uu leeyahay laba sano oo kaga harsan qandaraaskiisa kooxda, islamarkaana uu ku dhaw yahay inuu saxiixo qandaraas cusub.
“Waxaan ka hadalnay arimahaan laba toddobaad ka hor waana xaalad caadi ah inuu saxiixo heshiis cusub,” ayuu yiri Botines.
“Hector aad ayuu ugu faraxsan yahay Arsenal. Haddii uu saxiixo heshiis cusub waxa ay noqon doontaa markii afaraad ee uu qandaraaska u kordhiyo Arsenal tan iyo markii uu kusoo biiray.