Arsenal Oo £ 80 milyan Dalab Ah Ka Gudbisay Pierre-Emerick Aubameyang Iyo Kooxdiisa Oo Durba Ka Jawaabtay

Borussia Dortmund ayaa hoos u dhigtay wararka sheegaya in Arsenal £ 80 milyan oo dalab ah ay kasoo gudbisay weeraryahankooda Pierre-Emerick Aubameyang xagaagan, sida uu sheegay wakiilka Talyaaniga ah ee Vincenzo Morabito.
Xiddiga caalamiga ah ee Gabon ayaa u dhaliyay 39 gool kooxdiisa Dortmund xilli ciyaareedkii hore, waxaana si weyn loola xiriirinayaa inuu ka dhaqaaqo kooxda ka dhisan Westfalenstadion, iyadoo uu xiiseynayo ku biirista Real Madrid.
Morabito ayaa ka jaawabay sheekooyinka xanta ah ee Aubameyang sidookale la xiriirinaya kooxda Arsenal isagoo sheegay in uu waqtigaan sii joogi doono kooxdiisa.
Morabito ayaa sheegay in Aubameyang qiimo intaas ka badan lagu doonayo xili  £ 76 milyan Gonzalo Higuain ugu biiray kooxda Juventus.
in kastoo xiisaha weeraryahanka Dortmund sare ay u qaaday Arsenal, kooxda Bundesliga ayaa diiday qiimo lacagta ay soo bandhigtay kooxda Arsene Wenger.
“Waqti hore, Michael Zorc, Agaasimaha Dortmund oo ka hadlayay xaalada Aubameyang waxa uu sheegay in gabi ahaanba uusan ka tagi doonin kooxda.
“Waan ogahay in xagaagan, Arsenal usoo bandhigtay € 90m oo u dhiganta (£ 80m), laakiin Borussia waxay ku rabtaa qiimo intaas ka badan ayuu yiri.
Aubameyang ayaa shaki weyn la geliyay mustaqbalkiisa kooxda reer Germnay markii laga ganaaxay kulankii Champions League oo ay kooxdiisa kaga badisay Sporting, laakiin waxa uu ku soo laabtay kulankii Hamburg  isagoo dhaliyay afar gool.
Aubameyang ayaa dhaliyay 14 gool 14 kulan oo uu usaftay tartamada oo dhan kooxdiisa.