Wakiil su’aalo ka qabaa sida ay Chelsea ku heli karto saxiixeeda cusub ee Ziyech 1da JUly

Wakiilka agu magcaabo Martin Reilly ayaa su’aal ka keenay sida ay Chelsea u maareyn doonto heshiiskooda kaga imaanaya Ajax Hakim Ziyech.

Ziyech ayaa qarka u saaran inuu ku biiro Chelsea 1da July – laakiin imaanshihiisa ayaa mugdi galaya haddii xilli ciyaareedka Premier League uu dhaafo ilaa 30ka Juun.

Reilly ayaa u sheegay wargayska Daily Record: “Naadiyada badankood hada waxay leeyihiin ciyaartoy ay kaga baahan yihiin suuqa.

“Chelsea waxay soo ibsatay Ziyech bishii Febraayo iyadoo fikirka ah inuu yimaado 1da july shaki la galinayo.

Haddii xilli ciyaareedkaan dib loo dhigo waad qiyaasi kartaa inaan loo ogolaan doonin inuu baxo, madaama Ajax markaas ay dooneyso inuu sii joogo oo uu la dhameysto xili ciyaareedka.