Wafdi uu hoggaaminayay Gudoomiyaha Hiiraan oo Jidka loo galay

Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in Wafdi uu hoggaaminaayay Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ay jidka u galeen xubno ka mid ah Al-Shabaab.

Gudoomiyaha iyo Wafdigiisa ayaa ka baxay magaalada Beledweyne waxaana ay kusii jeeddaan degmada Maxaas, halkaasi uu ka socdo dagaal u dhaxeeya Labo Maleeshiyo beeleed.

Wadada u dhaxeysa Maxaas iyo Beledweyne ayaa la sheegay in ay u galeen dagaalyahano ka tirsan Shabaab.

Goobjoogayaal ayaa Risaala u sheegay in u jiro Khasaare dhaawac ah oo ka dhashay dagaal kooban oo dhexmaray Ciidanka uu hoggaaminaayay Gudoomiyaha iyo Kooxdii weerartay.

Ma jiro Khasaare soo gaaray Mas’uuliyiitii la socotay Gudoomiyaha , waxaana hadda ay kusii jeeddaan degmada Maxaas.