Ugu yaraan 170 qof ayaa ku dhintay 700 qofna waa ay ku dhaawacmeen ka dib markii dhul gariir uu ku dhuftay magaalada Sunda Strait ee dalka Indonesia.
Dhulgariiska ayaa ka dhacay Badda hoosteeda, waxaana la sheegay in uu burburiyay Hoteello, Guryo iyo goob kale oo muhiim ah oo ku yaalla Magaalada Sunda.
Ugu yaraan 30 qof ayaa la la’yahay sidda laga soo xigtay hay’adda maareynta musiibooyinka ee dalka.
Goobta ugu daran waxay ahayd gobolka Java, oo ah meel xeeb ah, waxaana halkaasi ku dhintay ku dhawaad 100 ruux.
Magaalada Bandar Lampung ee koonfurta dalkaasi, boqollaal qof ayaa guryahooda ka cararay, waxaana xilliggaan ay ku sugan yihiin meel banaan ah xili dowladda ay waddo gurmadyo kala duwan.



