Wafdi uu hoggaaminaayo Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Guudlaawe ayaa goor dhow soo gaaray Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa garoonka diyaaradaha ee Muqdisho waxaa kusoo dhaweeyay Gudoomiyaha gobolka Banaadir, xildhibaano iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Inta uu ku sugan yahay Muqdisho ayaa kulamo kala duwan oo xal loogu raadinaayo doorashooyinka iyo dhibaatada ka jirta Hirshabeelle uu la qaadan doonaa Madax kala duwan.
Madaxweyne Guudlaawe ayaa wali la caleemo saarin, maadaama Hirshabeelle ay ka jiraan khilaafyo.



