Waxaa Maanta dib loo furay Wadooyinka Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya oo muddo lix maalin ah u xirnaa Shir Madaxeedkii IGAD oo lagu qabtay magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.
Wadada Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho ayaa lagu arkayaa gaadiidka nooca yar yar ee dadweynaha sida gaarka ah u leeyihiin iyo gaadiidka PL-ka ee rakaabka qaada.
Intii ay xirnaayeen wadooyinka Muqdisho waxaa soo wajahan shacabka Soomaaliyeed dhibaatooyin waa weyn oo ay ka mid yihiin in aysan ku ciidin maalmihii ciida si farxadle madaam magaalada aan loo ogoleyn dhaqdhaqaaq.
Saakay ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa furay Wadooyinka Muqdisho waxaana Muqdisho ay kusoo laabatay jawigii lagu yaqaanay.


