Ammaanka magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa saakay si weyn loo adkeeyay , waxaana xiran wadooyinka ugu muhiimsan magaalada Jowhar.
Ciidamo isku jira qeybaha kala duwan ee ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa la soo dhoobay wadooyinka magaalada Jowhar.
Dhaqdhaqaaqa dadweynaha iyo sidoo kale Gawaarida ayaa saakay hakad ku jira , xilli shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe uu ka furan yahay magaalada Jowhar.
Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdi uu hogaaminaayo ayaa lagu wadaa in ay gaaraan magaalada Jowhar si ay u dar dargeliyaaan shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa sidoo kale u diyaar garoobaaya soo dhaweynta Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Waxgaradka Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe ayaa ku sugan Magaalada Jowhar, inkastoo ay jiraan beelaha ka soo jeeda Gobolka Hiiraan qaar ka mid ah Odayaashooda inay meesha ka maqan yihiin.


