Taliska Ciidanka Milatariga Soomaaliya ee gobolada Galgaduud iyo Hiiraan ayaa sheegay in ay Al-Shabaab ka saareen deegaano dhowr oo ku yaalla gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.
Axmed Maxamed Maxamuud Tareedisho oo ka mid ah saraakiisha ciidanka dowladda Soomaaliya ee gobolada Hiiraan iyo Galgaduud oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidanka dowladda Soomaaliya ay bilihii la soo dhaafay ay Al-Shabaab kala wareegeen deegaano dhowr ah oo ku yaalla gobolka Hiiraan.
Tareedisho ayaa sidoo kale sheegay in ay Al-Shabaab ka saaraayaan deegaanada ay kaga harsan yihiin Al-Shabaab gobolada Hiiraan iyo Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.
Waxaa sidoo kale sheegay in Ciidanka dowladda Soomaaliya ay sameyeen howlgal balaaran bilihii lasoo dhaafay deegaano iyo sidoo kale degmooyin ku yaalla gobolada Hiiraan iyo Galgaduudna ay kala wareegeen Al-Shabaab.
Waxaa xusay in ay dhinteen ku dhawaad 30 askari 60 kalena ay ku dhaawacmeen in ay wadeen howgallada ka dhan ka ah Al-Shabaab.


