Waayihii Horyaalka Ingiriiska ee Falcao oo soo dhamaaday

Madaxweyne ku xigeenka kooxda Monaco Vadim Vasilyev ayaa xaqiijiyay in Radamel Falcao mar kale u ciyaari doono kooxda ka dhisan Ligue 1xili ciyaareedkaan 2016-17.

Xiddiga reer Colombia ayaa ka agay Atletico Madrid kuna biiray Monaco 2013, laakiin waxaa soo gaaray dhaawac jilibka ah isagoo xilli ciyaareedkiisii ugu horeyay ee Stade Louis II.

Wuxuu amaah ugu dhaqaaqay kooxda Manchester United 2014-15,oo uu kaga sii gudbay kooxda Chelsea xilli ciyaareedkii hore.

30-sano jirkaan ayaa ku guuldareystay inuu bandhig wanaagsan ka sameeyay Premier League, lakiin kooxda Monaco ayaa xaqijisay in dib ay usoo celin doonto xilli ciyaareedka soo socda.

“Falcao waxa uu kusoo laaban doonaa kooxda,” Vasilyev ayaa u sheegay suxufiyiinta.

Qandaraaska Falcao uu kula jiro kooxda Monaco ayaa waxa uu ku egyahay June 2018 ,waxaana kaliya uu u dhaliyay hal gool 10 kulan oo uu u saftay Premier League kooxda Chelse.