Cadaado-RisaalaFM- Maxamed Cumar Carte Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumada dowladda Soomaaliya oo gaaray magaalada Cadaado, ayaa kulan la qaatay madaxda maamulka Galmudug, kulankaas oo looga hadlay arimo dhowr ah oo quseeya marxalada dalka.
Waxaa goob joog ka ahaa kulanka ka dhacay Cadaado gudoomiyaha baarlamaanka maamulka Galmudug, Xildhibano, wasiiro iyo xubno kale oo katirsan maamulkaasi.
Qodobada la isla soo hadal qaaday inta kulanka uu socday waxaa qeyb ka ahaa arimo ay kamid yihiin, qabyo qoraalka dastuurka, siyaasada amniga Qaranka, iyo doorka Galmudug ay ku leedahay ilaalinta xeebaha dalka.
Kulanka waxaa shir gudoominayey Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Maxamed Cumar Carte waxaana la isku afgartay dhamaanba qodobadii laga wada hadlay.



