Wararka laga helayo Gobolka Sanaag ayaa waxaa ay sheegayaan in Guddi ka baxay Magalada Ceerigaabo uu waan waan ka dhex wado Maamulka Soomaaliland iyo Jabhadda Korneel Caaro oo horay uga mid ahaa Ciidamada Soomaaliland.
Ciidamo uu wato korneel Caare ayaa dhawaan degay Buuraha Kulmiyo oo ku yaalla duleedka Magaalada Ceerigaabo, kadib dagaal ka dhacay halkaasi,waxaana la sheegay in waan waanta ay wadaan guddi u badan dad ku heyb ah Korneel Caare.
Odayaal & Waxgarad ka mid ah dadka Magalada Ceerigaabo ayaa Guddigaasi ka mid ah sida uu Warbaahinta u sheegay mid ka mid ah waxgaradka Magaalada Ceergaabo ee Gobolka Sanaag.
Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Guddiga dhex dhexaadinta iyo korneel Caare uu kulan uga socdo Buuraha Kulmiye,isla markaana la filayo in xubno ka socda Soomaaliland ay wadahadalladaas ku biiraan.
Warar hordhac ah oo soo baxaya ayaa waxaa ay sheegayaan in guddiga ay Korneel Caare ka dalbadeen in mudo Afar Cisho gudahood ah uu hubka ku dhigo si uusan uga dhicin Gobolka Sanaag dagaal dambo oo u dhaxeeya Soomaaliland iyo Ciidamada Korneel Caare .
Ciidamada uu hogagamiyo Korneel Caare iyo kuwa ka tirsan Soomaaliland ayaa dhowr jeer ku dagaalamay deegaano ka tirsan gobolka Sanaag,waxaana Korneelka uu dhowr jeer ku hanjabay in uu weerari doono Magalada hargeysa.



