Dagaalkaan oo u dhaxeeyay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya iyo maleeshiyaad huebsayn ayaa waxaa uu ka dhacay Xaafada Suuq Boocle ee degmada Dharkenleey.
Dagaalka ayaa goobjoogayaal waxaa ay sheegeen in uu yimid, kadib markii maleeshiyaad hubeysan ay joojiyaan guri dhismo uu ku socday oo lacag ay ka doonayeen,hayeeshee dadka Guriga loo dhisayay ay ku wargeliyeen Ciidamada Booliska ee Saldhiga degmada Dharkeenleey.
Xiisada ka dhalatay Guriga la dhisaayo ayaa shalay soo bilaabatay,waxana Maanta Guriga tegay kooxdii lacagta ka dooneysay, iyada oo ay wada dagaalameen Ciidamo ka yimid Saldhiga Boolisa Dharkeenleey sida uu Risaala u sheegay qof ka mid ah dadka Xaafada Suuq Boocle.
Waxaa jira khasaaro kala duwan oo ka dhashay dagaalkaas,hayeeshee weli aan la cadeyn Karin inta uu la egyahay,waxaana Xaafada Suuq Boocle laga maqlayaa rasaas goos goos ah oo ay isku ridayaan Ciidamada wada dagaalamaya.
Si kastaba dhacdooyinka la xiriira isku qabsiga Guryaha la dhisayo si lacag looga qaado ayaa tira ka dhowr jeer ah ay kusoo bateen Magaalada Muqdisho,waxaana taliska Ciidanka Booliska iyo xooga ay kasoo saareen digiin adag.



