Wadooyinka gala Magalada Dhuusamareeb oo la xiray

Ciidamo ka tirsan kuwa Ahlusunna ee ku biiray Maamulka Galmudug ayaa gebi ahaanba Maanta xiray wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa Magaalada Dhuusamareeb, kadib markii manta uu qarax ka dhacay.

Ciidaamada ayaa la dhigayw adooyinka,waxaana gebi ahaanba xilligaan ay joojiyeen soo gelida Magaalada, iyaga oo xaafadaha qaar ee Magaalada dhuusamareeb howlgallo ka wada.

Wariyeyaasha Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ay soo sheegayaan in Ciidamo wata Gaadiidka dagaalka lagu arkayo Xaafadaha iyo wadooyinka soo gala Magalada Dhuusamareeb oo manta ka duwan sidii hore.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ku sugan Magalada Dhuusamareeb, iyaga oo halkaasi ka wada howlo ku saabsan sidii loo dhisi lahaa Galmudug mideysan.

Magalada dhuusamareeb ayaa Maanta waxaa ka dhacay qarax la sheegay in uu ahaa mid lagu duugay goob maqaaxi ah oo ku taalla kasoo horjeedka Xarunta Inji,waxaana qaraxaasi ku dhintay askari ka tirsanaa Ciidamada Ahlusuna walow markii hoe la sheegay in uu ahaa ruux isa-soo miidaamiyay balse markii dambe uu beenoobay warkaas.