Waakan Ciyaaryahankii Manchester City Ee Aflagaadada U Geystay Leo Messi

Manchester City ayaa afka ciidda u dartay Barcelona Talaadadii markaasoo ay ku garaacday 3-1, laakiin ciyaartaas ka dib waxaa si aad ah looga hadlay falkii ka dhacay jidka loo maro qolalka lebiska markaasoo ciyaaryahan aan la magac dhabin oo Man City ah uu aflagaado u geystay Lionel Messi oo kulankaas ahaa kabtanka Barcelona.

Lionel Messi ayaa waxay isku dheceen ciyaartoyda Man City ka dib dhammaadkii ciyaartaan. Laakiin haatan wararka kasoo baxaya Spain ayaa sheegaya in shaqsigii aflagaadada u geystay Messi uu ahaa Mikel Arteta.

Hillinka reer Spain La Sexta ayaa sidaasi daaha ka qaaday ka dib markii ay heleen muuqaal laga duubay taanalka ciyaartaas ka dib. Arteta oo ka mid ah shaqaalaha tababarka Man City ahna ciyaaryahan hore usoo maray Barcelona ayaana Messi ku arkay jidka loo maro qolka lebiska isagoo taagan halkaas.

Markii uu garab dhaafayey xiddiga heerka caalami ee dalka Argentine ayuuna ku tuuray hadal kulul, isagoo ku yiri: “Kumaad sugeysaa? Orod oo aad qolka lebiska waxaad tahay nacas”.

Wixi iintaas ka dambeeyey Messi wuxuu ka carooday hadalkii uu ku yiri Arteta wuxuuna ku raacdeystay taanalka isagoo ka dabagalay qolka lebiska ee ciyaartoyda Manchester City. Ugu dambeyntiina Sergio Kun Aguero ayaa xaaladda dejiyey.