Manchester United ayaa wali ku jirta maalmaha murugta iyo muranada guuldaro xambaarsan kadib bilaw liita oo ay ku bilaawatay xili ciyaareedkan.
Red Devils ayaa u safartay Turkiga si ay ula soo ciyaarto kooxda Fenerbahce oo la ogsan yahay in lugtii hore looga soo adkaaday 4-1 ciyaar ka dhacday Old Trafford.
Naadiga Reer Turki ayaa ku bilaawatay dar dar waali ah kadib markii ay bilawgii ciyaarta heleen goolka koowaad ee furitaanka ciyaar, waxaana dhaliyay daqiiqadii 2-aad ee ciyaarta shabaqa soo taabtay weeraryahanka madawga ah ee Moussa Sow.
Jose Mourinho iyo xertiisa ayaa jahwareer ka qaaday goolkan lagala hormaray, waxaase u suurta gashay Fenerbahce in ay qeybta hore ee ciyaarta ku idlaato 1-0 oo ay hogaanka ku hayaan.
Markii dib la iskugu soo noqday Jeremain Lens ayaa daqiiqadii 59-aad ugu shubay gool kale taas oo jooga ka riday Manchester United.
Waxay socotayba ciyaarta kabtanka Manchester United Wayne Rooney oo ku dhacay in uu helo booska koowaad ee kooxda ayaa dhaliyay goolka soo noqoshada ee kooxdiisa daqiiqadii 89-aad ee ciyaarta isagoona ka dhigay 2-1.
Ugu dambeyn Manchester United ayaa guuldaro kala kulantay Fenerbahce oo gurigeeda joogta waxaana ay tani ku hogaaminaysa in ay wali ku jirto waddadii gudcurka iyo maalmaha guuldarada.


