DHAGEYSO WAREYSI: ku saabsan xaalada Degmada Xudur

Magaalada Xudur ee Gobolka Bakool waxaa gaaray Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed, halkaasi oo ay ka barakaceen dad farabadan, kadib markii Ciidanka Itoobiya ay ka baxeen Deegaano ka tirsan Bakool.

Wafdiga ayaa waxa ay Barakacayaasha u qeybiyeen raashiin iyo waxyaabo kale oo uu soo dhiibay Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Xildhibaan Ibraahim yarow oo ka mid ah Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo ka mid ahaa wafdiga halkaasi gaaray ayaan wax ka weydiinay booqashoodada.