Waa kuma saxiixa cusub ee Barcelona Malcom?

Blaugrana ayaa ku garaacday Giallorossi saxiixa ciyaaryahanka 21 jirka reer Brazil ee Malcom.

Ciyaaryahanka garabka ka ciyaara Malcom ayaa heshiis shaqsi ah la gaaray Roma, laakiin ciyaaryahanka ayaa doorbidaya inuu ku biiro Blaugrana ka dib markii Catalans ay afduubteen heshiiskiisa ciyaaryahanka.

Malcom ayaa raacay ciyaaryahanka qadka dhexe ee Brazil Arthur, oo Barca ku biiray horaantii bishaan.

Coutinho oo noqday ciyaaryahankii seddexaad ee ugu qaalisan caalamka markii uu dhameystiray riyadiisa uu ugu dhaqaaqay Barcelona ayaa sidookale kamid ah ciyaartooyda reer Brazil ee kusugan Barcelona.

Kooxo badan oo ka dhisan Premier League ayaa xiiseynayay ciyaaryahanka ka hor inta aysan Roma ku dhawaan heshiiskiisa, inkastoo 41 milyan oo ginni ay bixisay ugu dambeyn Barcelona.

Bordeaux ayaa ku soo iibsatay Malcom oo kaga yimid Corinthians 5 milyan oo euro bishii January 2016, waxaana uu ka saaciday xili ciyaareedkii hore kooxdiisa inay ku dhameystaan kaalinta lixaad ee kala sareyna horyaalka France.

Xiddiga garabka midig, wuxuu sidoo kale bedelan karaa baalasha isagoo soo gali kara khadka dhaxe ee garoonka.

Laakiin shaki kuma jiro in meesha uu ku fiican ee uu ka ciyaaro yahay booska garabka weeerarka.