FIFA ayaa ku dhawaaqday musharaxiinta u sharaxan abaalmarinta ciyartooyda ugu fiican dhanka ragga sannadka 2018ka.
Si ka duwan sanadihii hore, qaabka xulashada ciyaartooyda ayaa isbeddel lagu sameeyay, iyadoo markii hore 25 musharax lasoo bandhigi jiray halkii haatan kaliya 10 lagu soo koobay.
Codbixintu waxay bilaabmeysaa July 24, waxayna soo dhamaan doontaa 10ka Agoosto.
Xeerarka codbixinta ayaa noqon doona qaab casiri ah, iyadoo Kabtanada kooxuhu ay awood u yeelan doonaan inay u codeeyaan si lamid ah tababarayaasha.
Kabtanada xulka qaranka iyo tababarayaashooda ayaa awood u leh inay u codeeyaan ciyaartoyda katirsan xulkooda inta codbixintu socto.
Laaakiin Looma ogola kabtanada iyo macalimiinta inay is doortaan iyaga inta ay codbixintaan socaneyso.
suxufiyiinta khaaska ah ee la shaqeeya FIFA ayaa codeynta ka qeyb qaadan doona sidii hore sharciga ugu dhignaa.
Sidookale taageerayaasha ka diiwaan gashan barta FIFA.com waxay u codeyn karaan ciyaartoyda iyo tababaraha ay jaceylyihiin mudada codbixina socto.
Liiska 10ka ciyaartooy ayaa kala ah:
1- Cristiano Ronaldo – Juventus & Portugal
2- Kevin De Bruyne – Manchester City & Belgium
3- Antoine Griezmann – Atletico Madrid & France
4- Eden Hazard – Chelsea & Belgium
5- Harry Kane – Tottenham & England
6- Kylian Mbappe – Paris St-Germain & France
7- Lionel Messi – Barcelona & Argentina
8- Luka Modric – Real Madrid & Croatia
9- Mohamed Salah – Liverpool & Egypt
10- Raphael Varane – Real Madrid & France



