Jose Mourinho ayaa sheegay in saxiixa cusub ee kooxdiisa Fred uusan aheyn bedelka Michael Carrick, laakiin waxa uu tilmaamay inuu noqon karo ciyaaryahan muhiim u ah kooxda.
Kubadsameeyaha reer Brazil ayaa ku biiray Red Devils isagoo kaga yimid Shakhtar Donetsk bishii lasoo dhaafay, waxaana lagu soo waramayaa in lagu iibsaday lacag lagu sheegay 50 milyan oo ginni.
Weli uma ciyaarin United 25-jirkaan oo noqon doona mid si weyn loogu soo dhaweyo khadka dhexe ee United xilli ciyaareedkan ka dib markii uu fariistay Michael Carrick.
Mourinho ayaa aaminsan inuu heysto mid ka mid ah ciyaartooyda hal abuurka ugu fiican leh.
“Nemanja Matic, Marouane Fellaini, Paul Pogba iyo Ander Herrera oo ah ciyaartooy jireed oo xoogan ayuu la dagaaalami dooonaa ayuu u sheegay suxufiyiinta Jose Mourinho.



