Magaciisa dhabta ah, taariikhda iyo goobta uu ku dhashay, taariikh nololeedkiisa iyo xitaa dhalashadiisa, taas oo sii kordhineysa wax badan oo qarsoon shakhsiyadiisa.
Sida laga soo xigtay warbixinnada Qaramada Midoobay, waxa uu dhashay intii u dhaxaysay 1975 ilaa 1979, halka Interpol ay sheegtay in uu dhashay 1975kii.
Sida uu ku sheegay waraysi uu siiyay warbaahinta PBS ee Maraykanka, magaciisa dhabta ah waa Axmed Xuseen al-Sharaa, naaneystiisa oo tilmaamaysa Buuraha Golan ayaa ka tarjumaysa xiriirka qoyskiisu la leeyahay gobolkaas.
Waxa uu waraysigaas ku sheegay in uu sannadkii 1982-kii ku dhashay caasimadda Sucuudiga ee Riyaad, halkaas oo uu aabbihii ka ahaa injineer shidaal ilaa sannadkii 1989-kii. Sannadkaas, qoyska al-Julani waxay ku noqdeen Suuriya, halkaas oo uu ku koray oo uu ku noolaa xaafadda Mezzeh ee magaalada Dimishiq.
Warar ay baahisay warbahainta ayaa sheegay in Al-Julani uu ku dhashay magaalada Deir ez-Zor ee dalka Suuriya sanadkii 1981-kii, waxaana la sheegay in uu muddo labo sano ah uu cilmiga caafimaadka ku soo bartay magaalada Dimishiq, ka hor inta uusan ka tagin sanadkiisii saddexaad ee waxbarashada si uu ugu biiro ururka Al-Qaacidada ee Ciraaq ka dib duulaankii Mareykanka ee 2003dii.
Waxaa la rumeysan yahay inuu si xawli ah ay kor ugu kacday darajada uu ka gaaray ururka Jihaadiga ah, isagoo noqday saaxiibka ugu dhow ee Abuu Muscab Al-Zarqaawi.
Waxa uu u guuray Lubnaan 2006dii ka dib markii la dilay Zarqawi, halkaas oo sida la sheegay uu kormeeray tababarka kooxda Jund al-Sham.
Waxaa la rumeysan yahay inuu mar kale u safray dalka Ciraaq, halkaas oo ay ku xireen ciidamada Mareykanka in muddo ah, wuxuuna ku biiray dowladda Islaamiga ah ee Ciraaq ka dib markii la sii daayay 2008-dii.
Sida ay sheegeen dadka wax indha indheeya Al-Julani waxa uu dib ugu laabtay dalkiisa Suuriya bishii August 2011kii, halkaas oo uu ka aas aasay laan ka mid ah al-Qaacida si ay ugu biirto dagaalka ka dhanka ah Madaxweynaha Suuriya Bashaar Al-asad.



