Shirka Madasha Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta Soomaaliya oo galay maalintii Labaad,waxaaa kusoo biiray Wasiirro ka tirsan XFS .
Wasiir ku xigeenka Warfaafinta XFS Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala oo maalintii labaad ka qeyb galayo shirkaas ayaa sheegay in dowladda aya dadaal badan ku bixisay sidii loo mideyn lahaaa fariimaha dowladda.
“Sanad iyo barkii lasoo dhaafay XFS waxa ay xoogga saartay sidii loo mideyn lahaa farriimaha Dowladda iyo jihaynta shacabka Soomaaliyeed” Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Soomaaliya.
Madashaan waxaa sidoo kale ka qeybgalay khubarro, aqoonyahanno iyo qeybaha bulshada oo wasaaraddu ay ku casuumtay Madashaan ayaa falanqeyn, doodo iyo hadal-jeedinba ka yeela doona kaalinta wax ku oolka ah ee isku xirka iyo hagaajinta Xiriirka Warbaahinta iyo dadweynaha, caqabadaha ku gadaaman iyo fursadaha jira.



