Waa kuma Ciyaaryahanka ka tirsan Barcelona ee ku biiri kara Atletico Madrid?

Atletico de Madrid ayaa isha ku heysa inay u dhaqaaqdo ciyaaryahanka qadka dhexe ee Barcelona Ivan Rakitic, sida lagu sheegay warbixin lagu qoray Marca.

Xiddiga reer Croatia ayaa si joogta ah loola xiriirinayay inuu ka tagayo xagaagan Camp Nou, inkastoo ciyaaryahanka laftiisa uu hore u sheegay inuu doonayo inuu kooxda kusii nagaado.

Xaqiiqdi, sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday Cadena Ser bishii la soo dhaafay, waxaa la sheegay in Blaugrana ay dooneysay inay iibiso ciyaaryahanka khadka dhexe bishii Janaayo.

Warbixinta ugu dambeysay ayaa lagu sheegay in ciyaaryahanka qadka dhexe uu doonayo inuu sii joogo Spain isla markaana uu ku habboonaan lahaa Atletico, iyadoo qandaraaskiisa uu dhacayo xagaaga 2021.

31-jirkan ayaa u saftay kooxda Barcelona 298 kulan tan iyo markii uu ka soo wareegay kooxda Seville xagaagii 2014 wuxuuna ku guulaystay koobab badan – oo ay ku jiraan afar horyaal oo La Liga ah, afar Copa del Rey iyo Champions League 2015.

Rakitic ayaa ku dhibtooday Barcelona waqtigii Ernesto Valverde iyo haatan oo uu kooxda ku sugan yahay Quique Setien – iyadoo Frenkie de Jong, Sergio Busquets, Arthur Melo, Arturo Vidal, Riqui Puig iyo Sergi Roberto ay ka mid yihiin ciyaartoy lagu soo doortay booska dhaxe.