Booliska Waddanka Paraguay ayaa waxaa ay xireen Halyeyga kubadda cagta Brazil ee Ronaldinho xilli uu ku sugnaa Hotel ku yaalla dalkaas,sida ay baahiyeen inta badan Warbaahinta ka hadasha Arrimaha Ciyaaraha.
Ronaldinho ayaa waxaa lagu eedeeye in uu wato Baasaboor been abuur ah,waxaana lala xirey Walaalkiisa oo ay isla socdeen,waxaana Maanta aad u hadal haaya Warbaahinta iyo dadka taageera Ciyaaraha.
Gelinka dambe ee Maanta oo Khamiis ah ayaa la filayaa in Maxkamad uu kasoo muuqdo,iyada oo loo heysto in uu si sharci darro ah kusoo galay dalkaasi Paraguay.
Sawiro lagu baahiyey Baraha Bulshada ayaa muujinaya in ciyaaryahankii hore ee kooxda Barcelona Ronaldinho oo ay Booliska baaritaan ku sameynayaan Baasaboorka uu ku safarayo.



