Bannaanbax lagu taageerayo aqoonsiga Somaliland oo New York ka dhacaya

Waxaa maanta oo Arbaco ah, 23-ka Sebtembar 2026, magaalada New York ee dalka Mareykanka lagu wadaa in uu ka dhaco bannaanbax ay jaaliyadda Somaliland iyo taageerayaasheedu ku muujinayaan taageerada ay u hayaan dadaallada Somaliland ee ku aaddan helitaanka aqoonsi caalami ah.

Bannaanbaxa ayaa lagu wadaa inuu ka dhaco Dag Hammarskjöld Plaza, oo ku taalla afaafka hore ee xarunta Qaramada Midoobay ee New York.

Qabanqaabada bannaanbaxa ayaa kusoo beegmaysa xilli magaalada New York ay martigelinayso Toddobaadka Heerka Sare ee Kalfadhiga 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, kaas oo ay isugu yimaadeen madaxda dowladaha iyo wafdiyada dalalka caalamka.

Dadweynaha ka qeybgalaya bannaanbaxa ayaa la filayaa inay fariimo u gudbiyaan madaxda iyo wafdiyada caalamiga ah ee ku sugan New York, iyagoo muujinaya qadiyadda Somaliland iyo dalabkeeda ku aaddan aqoonsi caalami ah.

Wararka ku saabsan qabanqaabada isu-soo-baxa ayaa tilmaamaya in munaasabadda loogu magac daray “Bannaanbaxa Aqoonsiga Somaliland”.

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro, iyo wafdi ka tirsan xukuumaddiisa ayaa sidoo kale ku sugan dalka Mareykanka, halkaas oo ay ka wadaan kulamo iyo howlo diblomaasiyadeed oo la xiriira dadaallada Somaliland ee aqoonsi raadinta.

Dhanka kale, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isna ku sugan magaalada New York, isagoo ka qeybgalaya hawlaha Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Ergada Soomaaliya ee Qaramada Midoobayna waxay sheegtay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu New York u joogo Kalfadhiga 81-aad ee Golaha Guud, iyadoo ajandayaashiisa ay ka mid yihiin horumarinta, maalgashiga iyo amniga Soomaaliya.

Xarunta Qaramada Midoobay ayaa xilligan martigelinaysa kulamada iyo doodaha heerka sare ee Golaha Guud, iyadoo madaxda dalalka kala duwan ay hoolka Golaha Guud ka jeedinayaan khudbado ay kaga hadlayaan xaaladaha caalamka iyo mudnaanta dalalkooda.